Yaa dilay Taliyihii ciidamada Galdogob & Aqriso Xogtii ugu dambeeysay ………

Taliye Cabdixamiid Oo Xukumey Ciidanka Boliska Degmada Galdogob waxaa lagu dilay Aaga Bursalax Waxaa Dilay Afar nin oo ka tirsan Ciidanka Boliska Gobalka Mudug.

Ciidankaan waxay rasaas ku Fureen Gaariga Taliye Cabdixamiid uu watay kadib markay ka Shakiyeen Xawaaraha uu ku socday inuu yahay Gaari wada Mukhaadaraad.

Waxaa Falkaan loo soo xiray Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Boliska Puntland 4 nin oo u kala Dhashay Beelaha kala ah, Daanweyne, Carab Saalax, Reer Cabdille iyo Beesha isaaq.

Wasiirka kalluumaysiga Puntland mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa yiri:- ” Waxaan booqannay meeshii uu dilku ka dhacay ee banaanka deegaanka Bursaalax , waxaan codsanay in nala siiyo waqti 48 sacadood ah, Dilkaan wuxuu ahaa dil aysan ka marneyn Arimo Siyaasadeed, Taliska gobolka waxaan ku amarnay in la xiro guud ahaan cidkasta oo kiiskaas ku lug leh, waxaa lasoo xirxiray qeyb kamid ah ragii dilka Geystay, halka kuwa kale la radinaayo.

Taliye Cabdixamid AUN Wuxuu Shaqo La Taaaban Karo Oo Nooceeda Horey Loo Arag Ka Qabtey Dawladnimada Degmada Goldogob, Wuxuu Furey Wadooyin, Wuxuu Yareeyey Faldambiyeedyadii iyo Hubkii Lala Mari Jirey Magaalada Galdogob

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment